HomeWararDaba-geed oo kulan la qaatay Ciidanka amniga iyo Saraakiisha AMSIOM

Daba-geed oo kulan la qaatay Ciidanka amniga iyo Saraakiisha AMSIOM

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Daba-geed ayaa Magaalada Baladweyne kulan kula qaatay laamaha amniga Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka AMSIOM ee halkaas ku sugan. Kulanka ayaa waxaa uu mid looga hadlaayay xaaladda amni ee Baladweyne iyo deegaanada kale ee hoostega Magaaladaas iyo arrimo ku aadan diyaar garoowga Caleemo-saarka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa. […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Daba-geed ayaa Magaalada Baladweyne kulan kula qaatay laamaha amniga Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka AMSIOM ee halkaas ku sugan.

Kulanka ayaa waxaa uu mid looga hadlaayay xaaladda amni ee Baladweyne iyo deegaanada kale ee hoostega Magaaladaas iyo arrimo ku aadan diyaar garoowga Caleemo-saarka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa.

- Advertisement -

Saraakiisha Booliska iyo kuwa AMSIOM ayaa Yuusuf Daba-geed uga warbixiyay sida ay socdaan howlaha sugida amniga iyo qorshaha lagu xaqiijin karo ammaanka Baladweyne, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa ASMIOM faray dar-dargelinta sugida amniga Magaalada oo  lagu qabanayo Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenka.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Munaasabadda Caleemo-saarka, waxaana tegi doona halkaas Mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeyb galaya Munaasabadda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories