HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo gaaray Magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray Magaalada Baydhabo

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Magaalada Baydhabo ee  Xarunta Gobolka Baay ayaa Goordhow waxaa gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay. Ujeedka safarkiisa ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka, inkastoo muran weyn uu ka taagan yahay dhismaha Guddiyada doorashooyinka ee Xukuumadda Federaalka ay magacaawday, kaasoo ay ka soo horjeesteen […]

- Advertisement -

Magaalada Baydhabo ee  Xarunta Gobolka Baay ayaa Goordhow waxaa gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka safarkiisa ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka, inkastoo muran weyn uu ka taagan yahay dhismaha Guddiyada doorashooyinka ee Xukuumadda Federaalka ay magacaawday, kaasoo ay ka soo horjeesteen Musharaxiinta mucaaradka.

- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Mas’uuliyiin kala duwan iyo dadweynaha oo goor sii horeysay Garoonka la isugu geeyay.

Inta uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Baydhabo ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka qaarkood la dhigay Ciidamo gaar ah oo sugaya amniga, sidoo kalena baaritaano ku sameeynaya gaadiidka, isla markaana waxaa waddooyinka la suray Tabeelayaal lagu xar-dhay Sawirrada RW Maxamed  Xuseen Rooble.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories