HomeWararR/Wasaare Rooble oo ka hadlay safarkii Maanta uu ku tegay Baydhabo

R/Wasaare Rooble oo ka hadlay safarkii Maanta uu ku tegay Baydhabo

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaya oo gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed, Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Safarka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku qotoma wada-shaqaynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, dardargelinta arrimaha […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaya oo gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed, Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku qotoma wada-shaqaynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ay dowladdu u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed .

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in socdaalkiisa qeyb ka yahay dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijka Xukumadda ee Boqolka maalmood.

“Baydhabo waa magaaladii ugu horreysay ee howllo shaqo u imaado tan iyo intii aan xafiiska imid, safarkan waa mid shaqo oo qeyb ka ah barnaamijka Xukuumadda ee 100ka maalmood, waxaana furi doonnaa mashaariic la hirgeliyey, kuwa cusubna waan dhagax dhigi doonnaa, shacabka Koonfur Galbeedna waan uga mahadcelinayaa soo dhaweynta aad ii fidiseen”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda ayaa kulamo wada tashi ah la qaadan doona masuuliyiinta, odayaasha deeganka iyo bulshada rayidka Koonfur Galbeed si uu uga dhageysto warbixinno ku saabsan nolosha deegaannada, caqabadaha jira iyo talooyinkooda ku aaddan horumarinta Dalka.

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo booqashada ay ku yimaadeen deegaanka, waxuna tilmaamay in ay yeelan doonaan wadatashiyo waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories