HomeWararWararkii ugu dambeeyay Kulamo siyaasadeed oo ka dhacay Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay Kulamo siyaasadeed oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin dhowr ah oo soo gaaray Caasimadda dalka. Kulamada ayaa markii hore dhexmaray hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha Doorashooyinka […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin dhowr ah oo soo gaaray Caasimadda dalka.

Kulamada ayaa markii hore dhexmaray hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, Arrimaha Doorashooyinka 2020/21 iyo shir la filayo inuu Muqdisho uga furmayo Musharaxiinta xilka Madaxweynaha.

- Advertisement -

Madasha Xisbiyda Qaran ayaa la sheegay inay diideen in Musharax Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Kheyre uu kasoo qeyb galo Shirka Midowga Musharixiinta uga furmaya, waxaana diidmadaas ka war gelay Musharax Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale Madaxda Madasha ayaa la tilmaamay in Kheyre ku cadaadiyeen in uu marka hore cudur daar ka bixiyo wixii dhacay saddexdii sano ee la soo dhaafay, intuu ka midka ahaa nidaamka Madaxweyne Farmaajo qeyb ka ahaa, isla markaana mowqifkiisa caddeeyo.

Intaas kadib Kheyre ayaa si deg deg ah ugu tegay Madaxweyneyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, iyagoona kulamo saacado dhowr ahn qaatay oo weli xog dheeraad ah laga helin.

- Advertisement -

Dhinaca kale Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, kaasi oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha Doorashada dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories