HomeWararKheyre oo raali-gelin buuxda C/raxmaan C/Shakuur ka siiyay weerarkii 2017

Kheyre oo raali-gelin buuxda C/raxmaan C/Shakuur ka siiyay weerarkii 2017

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir. Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii xal buuxa looga gaari lahaa xaaladdii siyaasadeed ee ka dhalatay weerarkii dowladda Federaalka ku qaaday Guriga C/raxmaan C/Shakuur dhammaandkii sanadka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii xal buuxa looga gaari lahaa xaaladdii siyaasadeed ee ka dhalatay weerarkii dowladda Federaalka ku qaaday Guriga C/raxmaan C/Shakuur dhammaandkii sanadka 2017-kii, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

- Advertisement -

Xasan Cali Kheyre oo kulanka kadib Qoraal soo saaray ayuu si Cad ugu shaaciyay inuu raali-gelin buuxa uu C/raxmaan C/Shakuur Warsame ka siiyay weerarkii khasaaraha geystay ee lagu qaaday Gurigiisa, isla markaana ay si dhab ah uga wada hadleen arrintaas.

“Waxaan hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay. Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa” ayuu yiri RW hore Kheyre.

Dhinaca kale C/raxmaan C/Shakuur ayaa ka hadlay raali-gelintii uu siiyay Ra’iisul  Wasaarihii hore ee Soomaaliya, wuxuuna Mas’uuliyiinta kale ee dowladda Federaalka ee ku lug lagaa weerarkii lagu qaaday u sheegay in weli ay u furan tahay raali-gelin.

- Advertisement -

“Waxaa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017. Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dowladda ee weerarka ku lug lahaa in ay fursaddan oo kale weli u furan tahay” ayuu yiri CC Shakuur oo Qoraal soo saaray.

Kulankaas raalin-gelinta ayaa waxaa ka qeyb galay siyaasiyiin uu kamid yahay Senator Cabdi Axmed Dhuxulow, Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan iyo siyaasiyiin kale oo dhowr ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories