HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Magaalada Baydhabo iyo ujeedkiisa

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Magaalada Baydhabo iyo ujeedkiisa

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed. Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Baydhabo ayaa waxaa ku wehlin doona xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, iyagoo saacadaha soo socda […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Baydhabo ayaa waxaa ku wehlin doona xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, iyagoo saacadaha soo socda tegi doona halkaas.

- Advertisement -

Ujeedka safarkiisa ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka, inkastoo muran weyn uu ka taagan yahay dhismaha Guddiyada doorashooyinka ee Xukuumadda Federaalka ay magacaawday, kaasoo ay ka soo horjeesteen Musharaxiinta mucaaradka.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ka socota qaban-qaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga la socda, waxaana meelaha qaar lagu xad-dhafay Sawiradda Rooble.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Soomaaliya Maxamed Rooble uu ku tegayo gudaha dalka gaar ahaan Baydhabo tan iyo markii bishii September loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.

- Advertisement -

Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana suura-gal ah in halkaas ay wafdi hordhac u ah safarka RW Rooble iyo Ilaaladiisa gaarka ah si loo xaqiijinayo sugiga amniga Magaalada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories