HomeWararRa'iisul Wasaare Rooble oo amar dul-dhigay Maamulka Gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaare Rooble oo amar dul-dhigay Maamulka Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan lagu dardargelinayo howllaha ay bulshada Caasimadda u hayaan la qaatay masuuliyiinta ugu sarreysa Maamulka Gobolka Banaadir. Rooble ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta cusub ee dhowaan loo magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir in ay la yimaadaan qorshe cad oo lagu horumarinayo Caasimadda, gaar ahaan dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan lagu dardargelinayo howllaha ay bulshada Caasimadda u hayaan la qaatay masuuliyiinta ugu sarreysa Maamulka Gobolka Banaadir.

Rooble ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta cusub ee dhowaan loo magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir in ay la yimaadaan qorshe cad oo lagu horumarinayo Caasimadda, gaar ahaan dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii xiliyadan ka da’ayay magaalada oo saameyn ballaaran ku yeeshay waddooyinka iyo bilicda Caasimadda.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in la sameeyo daraasad lagu qiimeynayo khasaarooyinkii ka dhashay roobabka, gaar ahaan burburka jidadka, isagoo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in doorkooda ay ka qaataan horumarinta bilicda iyo amniga Caasimadda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo tilmaamay mudnaanta uu amnigu u leeyahay bulshada ayaa ku booriyey maamulka Gobolka in dib u habeyn lagu sameeyo leyrarka waddooyinka, si aysan uga faa’iideysan mugdiga kooxaha nabad diidka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha kulankan muhiimka ah, isagoo sheegay in Maamulkiisu uu ka howlgeli doonno sidii wax looga qaban lahaa bilicda, amniga iyo dib u dhiska Caasimadda.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories