HomeWararDad loo qabtay Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Gaalkacyo

Dad loo qabtay Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Gaalkacyo

Date:

Related stories

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ciidamada ammaanka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Puntland ayaa xalay howlgal kala duwan ka sameeyay xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Gaalkacyo. Howlgalka ayaa waxaa lagu qabtay shabakad looga shakiyay inay ka dambeeyeen weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo xalay fiidnimadii hore lagu weeraray Ciidamo  ka tirsan kuwa amniga Magaalada, xili ay […]

- Advertisement -

Ciidamada ammaanka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Puntland ayaa xalay howlgal kala duwan ka sameeyay xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Gaalkacyo.

Howlgalka ayaa waxaa lagu qabtay shabakad looga shakiyay inay ka dambeeyeen weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo xalay fiidnimadii hore lagu weeraray Ciidamo  ka tirsan kuwa amniga Magaalada, xili ay ku sugnaayeen Bar koontarool.

- Advertisement -

Saddex ruux oo lagu tuhamayo weerarkaas ayaa laamaha amniga gacanta ku dhigeen, sida sheegeen Saraakiisha amniga Puntland, kuwaasi oo ku xiran Saldhig Ciidan, isla markaana ay ku socdaan baaritaano.

Dad goobjoogayaal ah oo xiligii xalay weerarka uu dhacayay warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in goobta uu ku geeriyooday hal qof oo halkaas ka Agdhawaa, sidoo kalena laba Askari ay dhaawacyo gaareen, durbana la geeyay Xarun Caafimaad.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xiliyada habeenkii ah mararka qaarkood ka dhaca falal amni darro, waxaana dhawaan Saraakiisha Ciidanka Puntland ay sheegeen in howlgal la sameeyay lagu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo falal amni darro geystay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories