HomeWararC/raxmaan C/Shakuur oo fariin fursad ah u diray Mas’uuliyiin ka tirsan DFS

C/raxmaan C/Shakuur oo fariin fursad ah u diray Mas’uuliyiin ka tirsan DFS

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa baaq u diray Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday Gurigiisa dhammaadkii sanadkii 2017. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay si buuxda raalin-gelin C/raxmaan C/Shakuur uga siiyay weerarka dowladdii uu ka tirsanaa ku qaaday Guriga Siyaasiga […]

- Advertisement -

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa baaq u diray Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday Gurigiisa dhammaadkii sanadkii 2017.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay si buuxda raalin-gelin C/raxmaan C/Shakuur uga siiyay weerarka dowladdii uu ka tirsanaa ku qaaday Guriga Siyaasiga 17-kii Dec, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Kheyre ayaa kulan saacado dhowr ah la qaatay C/raxmaan C/Shakuur, kadib markii uu hoygiisa ku booqday, iyagoona ka wada hadlay sidii loo xalin lahaa xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay weerarkii lagu qaaday.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay inuu aqbalay raali-gelintii uu sameeyay Xasan Cali Kheyre, kadib Qoraal kooban uu bartiisa Facebook soo dhigay markii uu soo Idlaaday kulan oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin kala duwan iyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Ugu dambeyntii C/raxmaan C/Shakuur ayaa Mas’uuliyiinta kale ee dowladda Federaalka ee ku lugta lagaa weerarkii Gurigiisa lagu qaaday17-kii Dec 2017  ugu baaqay inay weli heystaan fursad ay ku bixin karaan raali-gelin lamid ah tan uu bixiyay RW hore Kheyre.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories