HomeWararMareykanka oo Liiska waxa loogu yeero Argagixisada ku daray Saraakiil Shabaab ah

Mareykanka oo Liiska waxa loogu yeero Argagixisada ku daray Saraakiil Shabaab ah

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka ayaa liiska waxa loogu yeero Argagixisada ku dartay laba sarkaal oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Labadan Sarkaal ayaa waxaa magacyadooda lagu sheegay Cabdullaahi Cusmaan Maxamed iyo Maalim Ayman, kuwaasoo ka tirsan Saraakiisha sare ee Al-Shabaab. War-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in Cabdullaahi Cismaan oo […]

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka ayaa liiska waxa loogu yeero Argagixisada ku dartay laba sarkaal oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Labadan Sarkaal ayaa waxaa magacyadooda lagu sheegay Cabdullaahi Cusmaan Maxamed iyo Maalim Ayman, kuwaasoo ka tirsan Saraakiisha sare ee Al-Shabaab.

- Advertisement -

War-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in Cabdullaahi Cismaan oo loo yaqaanno Injineer Ismaaciil uu yahay khabiir Al Shabaab u qaabilsan samaynta waxayaabaha qarxa isaga oo maamula howlaha samaynta iyo fulinta Qaraxyada ay guud ahaan fuliso, waa sida hadalka loo dhigay

Sidoo kale Sarkaalkan ayaa ah Madaxa warbaahinta loo yaqaao Al Kataayib, isla markaana faafisa muuqaalada weerarada ay geystaa Shabaab, isaga oo lataliye u ah ninka ku magacaaban amiirka Shabaabka.

Ninka labaad ee liiska waxa loogu aragagaxisda lagu daray ayaa ah Maclim Ayman Sarkaalkan ayaa ah madaxa waxa lagu magacaabo Jaysh Ayman oo u qaabilsan shabaabka in ay fuliyaan werrarada Somalia iyo Kenya, kuwasi oo geystay khasaaro.

- Advertisement -

Warbixinta ayaa sheegeysa in Macallim Ayman uu ahaa Sarkaalkii masuulka ka ahaa weeerarkii bishi Janauary ee 2020-ka lala beegsaday xerada Camp Simba ee dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay Askari Mareykan ah iyo laba qandraasle oo iyaguna u dhashay Maraykanka.

 

Xigasho VOA-Somalia

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories