HomeWararDad farabadan oo loo soo qabtay qoyskii lagu dilay duleedka Warsheekh

Dad farabadan oo loo soo qabtay qoyskii lagu dilay duleedka Warsheekh

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ciidanka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kuwa degmada Warsheekh ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo baallaaran waxaa ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo hoostega degmadaas. Ciidanka amniga ayaa howlgalka ka sameeyay deegaanada kala ah Maxaay, Taag-dheere, Cagaarey, haabaay, iyo tuulooyin kale ku teedsan xalluule, isla markaana waxaa lagu qabtay dad badan oo looga shakisan yahay […]

- Advertisement -

Ciidanka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kuwa degmada Warsheekh ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo baallaaran waxaa ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo hoostega degmadaas.

Ciidanka amniga ayaa howlgalka ka sameeyay deegaanada kala ah Maxaay, Taag-dheere, Cagaarey, haabaay, iyo tuulooyin kale ku teedsan xalluule, isla markaana waxaa lagu qabtay dad badan oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin weerarkii dhawaan dadka lagu laayay ee ka dhacay deegaanka Xalluule.

- Advertisement -

Ilo-wareedyo ka tirsan Mamaulka Degmada oo si hoose ula hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in howlgalka lagu qabtay 21 qof oo haatan laamaha amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku wadaan baaritaano kala duwan oo lagu kala saarayo dadkaas.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in weli uu socdo howlgal kale oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay weerarkii  lagu dilay Hooyo iyo laba caruur ah oo dhashay, halka laba qof kalena lagu dhaawacay, kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Marakaan, Guddoomiyaha Warsheekh Xasan Darajeey iyo Saraakiil Ciidan ayaa ku sugan deegaanka Xalluule oo ah hadlkii lagu laayay dadkii isku qoyska ahaa.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta ayaa kulan gaar ah la qaatay qoyskii dadka la dilay, iyagoona uga tacsiyeeyay dadkii geeriyooday, halka kuwa dhaawacmayna ay Alle uga baryeen inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Weerarkii dadka lagu laayay ayaa waxaa uu ahaa mid ay geysteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, isla markaana waxaa uu falkaas la xiriiray aano qabiil oo in muddo ah ka taagneyd deegaanka Xalluule oo hoostega degmada Warsheekh.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories