HomeWararDil ka dhacay Magaalada Laascaanood iyo faah faahin kasoo baxeysa

Dil ka dhacay Magaalada Laascaanood iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay fiidnimadii hore  ee xalay halkaas lagu dilay Mas’uul ka tirsan Maamulka degmada Laascaanood. Rag ku hubeysnaa Bastoolad ayaa xaafad ka tirsan Magaalada ku dilay Mas’uulka, xili uu kusii jeeday hoygiisa, isla markaana waxaa qeybaha sare ee jirka looga dhuftay […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay fiidnimadii hore  ee xalay halkaas lagu dilay Mas’uul ka tirsan Maamulka degmada Laascaanood.

Rag ku hubeysnaa Bastoolad ayaa xaafad ka tirsan Magaalada ku dilay Mas’uulka, xili uu kusii jeeday hoygiisa, isla markaana waxaa qeybaha sare ee jirka looga dhuftay rasaas dhowr ah, isagoona goobta ku geeriyooday.

- Advertisement -

Marxuumka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Salaad Wadaadyare, wuxuuna ka tirsnaa Garsoorka Maxkamada Magaalada Laascaanood, waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka ayaa tegay goobta, isla markaana qaaday Meydka Cabdullaahi Wadaadyare, iyagoona intaas ka sameeyay howlgalo kala duwan oo ay ku raadinayaan ragii hubeysnaa, in kastoo aan lagu guuleysan in la qabto.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa horey uga dhacay dilal loo geystay Mas’uuliyiin iyo Askar ka tirsan Somaliland, waxaanan xusid mudan in dhawaan halkaas ay ka dhacday shaqaaqo u dhexeeysay dadka deegaanka iyo Ciidanka amniga.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories