HomeWararWadada isku xirta Mudug iyo Galgaduud oo xiran iyo xiisad ka taagan

Wadada isku xirta Mudug iyo Galgaduud oo xiran iyo xiisad ka taagan

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wadadan oo isku xirta deegaanada dhaca Koofurta Gobalka Mudug iyo Bariga Gobalka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa xiran maalintii labaad, kadib markii halkaas ay kasoo cusboonaatay xiisad u dhexeeysa maleeshiyaad hubeysan. Xiisadan ayaa salka ku heysa Barkado baco ka samaysan oo si macmal ah ay halkaas uga samaysteen Dad Reer miyi ah oo kasoo kala […]

- Advertisement -

Wadadan oo isku xirta deegaanada dhaca Koofurta Gobalka Mudug iyo Bariga Gobalka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa xiran maalintii labaad, kadib markii halkaas ay kasoo cusboonaatay xiisad u dhexeeysa maleeshiyaad hubeysan.

Xiisadan ayaa salka ku heysa Barkado baco ka samaysan oo si macmal ah ay halkaas uga samaysteen Dad Reer miyi ah oo kasoo kala jeeda Gaalkacyo iyo Cadaado, waxaana fashilmay todobaadkan isku dayo lagu doonayay in xiisada lagu soo afjaro.

- Advertisement -

Wadadaan oo ah mid muhiim u ah isku socodka dadka iyo duunyada Gobalada Mudug iyo Galgaduud ayaa ku taalla Duleedka degaanada Baxdo, gaabo wanakiir iyo deegaanada Laasabuur, waxaana Maleeshiyaadka xirtay ay ku doodeen in sababta ay u xirteen ay tahay kadib markii xal laga waayay dad kasoo jeeda Deegaanada Cadaado oo ay sheegeen in ay kusoo xadgudbeen dhul ay iyagu leeyihiin waa sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba Arrintaan ayaa sababtay in deegaanadaas ay markale kasoo cusboonaato xiisadii horay uga taagnayd, ilaa iyo hada majirto iskuday arrintaas wax ka qabatay, isla markaana waxaa kahad ku jira isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories