HomeWararCiidanka Itoobiya oo ku dhow la wareegida Caasimadda Tigree-ga

Ciidanka Itoobiya oo ku dhow la wareegida Caasimadda Tigree-ga

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay guulo militeri ka gaareen waqooyiga Tigray halka ciidamada ay ku dhaw yihiin caasimadda Mekelle. Dagaalyahanada Tigray ayaa wadaa dagaal ay ku difaacaan magaalada Alamata oo dhawaan dowladda sheegtay inay la wareegtay. Dadka ka qaxaya gobolkan ayaa weli kusii qulqulaya Suudaan, dad badan ayaa isaga qaxay Tigray in ka […]

- Advertisement -

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay guulo militeri ka gaareen waqooyiga Tigray halka ciidamada ay ku dhaw yihiin caasimadda Mekelle.

Dagaalyahanada Tigray ayaa wadaa dagaal ay ku difaacaan magaalada Alamata oo dhawaan dowladda sheegtay inay la wareegtay.

- Advertisement -

Dadka ka qaxaya gobolkan ayaa weli kusii qulqulaya Suudaan, dad badan ayaa isaga qaxay Tigray in ka yar labo toddobaad markii ay dagaallada halkaas ka qarxeen.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in “xaalad bina’aadanimo oo ballaaran” ay ku soo fool leedahay. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shaley sheegay in howlgalka milateri ee ka soconaya gobolka Tigray uu galay wajigiisii ugu dambeeyay.

Dhanka kale Madaxweynaha gobolka Tigray ayaa madaxda caalamka iyo kuwa Afrikaba ugu baaqay inay cambaareeyaan dagaalka uu ku eedeeyay inay soo qaadday dowladda federaalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories