HomeWararGuddoomiye ku-xigeenada Cusub ee Gobolka Banaadir oo xilka la wareegay

Guddoomiye ku-xigeenada Cusub ee Gobolka Banaadir oo xilka la wareegay

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Maanta Xilalka u kala wareejiyey Gudoomiye ku-xigeenada Cusub ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenadii hore iyo sidoo kale Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir. Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Maanta Xilalka u kala wareejiyey Gudoomiye ku-xigeenada Cusub ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenadii hore iyo sidoo kale Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Gobolka iyo qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka.

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenkii amniga iyo siyaasadda Gobolka Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in Guddoomiye ku-xigeenka Cusub ee amniga iyo siyaasadda Cali yare aysan wax farqi u dhexeeyn, isla markaana ay horey u soo wadashaqeeyeen.

Dhinaca kale waxaa Munaasabadda xilka wareejinta ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali yare, wuxuuna sheegay inuu qaban doono doono howlshii uu u rido Guddoomiyaha Gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalmo kahor isbedel ku sameeyay Maamulka Gobolka, isla markaana xilalkii ka qaaday guddoomiye ku-xigeenadii Cumar Finish, isagoo kuwo Cusub magacaabay.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories