HomeWararQaxooti kasoo cararay mid kamid ah Dalalka Carabta oo gaaray Puntland

Qaxooti kasoo cararay mid kamid ah Dalalka Carabta oo gaaray Puntland

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari gaaray qoysas farabadan oo kasoo cararay Colaadaha daba-dheeraaday ee ka jira dalka Yemen, kuwaasi oo soo dhaweyn loo sameeyay. Qoysaska Qaxootiga ah oo isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin ayaa waxaa Dekadda Boosaaso kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Daban-cad iyo xubno kale, […]

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari gaaray qoysas farabadan oo kasoo cararay Colaadaha daba-dheeraaday ee ka jira dalka Yemen, kuwaasi oo soo dhaweyn loo sameeyay.

Qoysaska Qaxootiga ah oo isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin ayaa waxaa Dekadda Boosaaso kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Daban-cad iyo xubno kale, iyagoo la geeyay Xarun loogu tala-galay qaxootiga.

- Advertisement -

Mas’uul ka tirsan Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in qoysaska Cusub ee Qaxootiga oo gaarayay 49 lagu heyn doono xarunta la geeyay, isla markaana lagu sameeyn doono tirab kooban, kadibna dib u-dejin loo samayn doono.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa kal horey u soo gaaray qaxooti farabadan oo dib u dejin loo sameeyay, isla markaana isaga soo tegay dalkooda, xili ka ay socdaan Colaado daba-dheeraaday.

Muddooyinkii u dambeeyay dowlad Goboleedka Puntland oo garab ka heysa hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UHCR iyo hay’adda Socdaalka Dunida ee IOM ayaa qaabilayay  Qaxooti kala duwan oo kasoo cararay Colaada ka jira dalka Yemen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories