HomeWararTaliyaha Ciidanka Xoogga oo amar dul-dhigay Ciidamo ku sugan Galmudug

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo amar dul-dhigay Ciidamo ku sugan Galmudug

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo dhawaan socdaal ku gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa amar Culus dul-dhigay  Saraakiisha Ciidanka Xooga iyo Askarta Milateriga ee joogta deegaanada Galmudug. Taliye Odawaa ayaa Askarta Milateriga dowladda gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ee ku sugan Dhuusamareeb iyo deegaanada kale ku amray in ay tagaan […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo dhawaan socdaal ku gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa amar Culus dul-dhigay  Saraakiisha Ciidanka Xooga iyo Askarta Milateriga ee joogta deegaanada Galmudug.

Taliye Odawaa ayaa Askarta Milateriga dowladda gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad ee ku sugan Dhuusamareeb iyo deegaanada kale ku amray in ay tagaan furimaha hore ee dagaalka, si Al-shabaab looga saaro deegaanada ay halkaas kaga sugan yihiin.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Taliye Odawaa in Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka looga baahan yahay inay ka qeyb qaatan dagaalka ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Galmudug.

Ciidanka qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka waday deegaano dhowr ah oo hoostega Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo la sheegay in lagu arkay xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana dhinacyada dagaal xoogan oo geystay khasaaro kala duwan.

Al-shabaab ayaa qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah mararka qaarkood Ciidanka dowladda Federaalka kula eegta deegaano ka tirsan Galmudug, iyadoo dhawaan qarax lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidanka 21-aadka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories