HomeWararCiidanka Dowladda oo fuliyay howlgal lagu qabtay Saraakiil Shabaab ah

Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal lagu qabtay Saraakiil Shabaab ah

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen deegaano hoostego Gobolada Shaballooyinka iyo Hiiraan. Inta uu socday howlgalka Ciidamada ayaa la sheegay in lagu burburiyay fariisimo ay lahaayeen Al-shabaab oo ku yaalla deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka dowladda. […]

- Advertisement -

Saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen deegaano hoostego Gobolada Shaballooyinka iyo Hiiraan.

Inta uu socday howlgalka Ciidamada ayaa la sheegay in lagu burburiyay fariisimo ay lahaayeen Al-shabaab oo ku yaalla deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka dowladda.

- Advertisement -

Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska DANAB Labo Xidigle Maxamed Saleebaan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa Carabka ku dhuftay in howlgalka lagu qabtay Saraakiil ay ku sheegeen in Shabaab ay u qaabilsanaayeen Maaliyadda Hiiraan iyo Maktabka Waxbarashada Dumarka ee Degaanka Ceel-cadde.

Magacyada Saraakiisha la qabtay ayaa lagu kala sheegay Xasan Yuusuf Cali iyo Cali Cabdulle Jilacow, kuwaasi oo ku sugnaa deegaan ka tirsan Gobolka.

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgal lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

- Advertisement -

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa dhankooda weeraro kala duwan xiliyada habeenkii ah ku qaada Saldhiyo Ciidamadan dowladda iyo kuwa AMSIOM ay ku leeyihiin Gobolada dalka, waxaana weerarada qaarkood ka dhasha khasaaro kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories