HomeWararShil khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Baladweyne

Shil khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Baladweyne

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in barqannimadii Maanta halkaas uu ka dhacay shil gaari oo khasaaro geystay. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in shilka uu ka dambeeyay, kadib markii gaari nooca Soomaalida NOHA uu rogmaday, xili uu ku socday xawaare dheereeya, waxaana sigaar uga dhacay halka […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in barqannimadii Maanta halkaas uu ka dhacay shil gaari oo khasaaro geystay.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in shilka uu ka dambeeyay, kadib markii gaari nooca Soomaalida NOHA uu rogmaday, xili uu ku socday xawaare dheereeya, waxaana sigaar uga dhacay halka loo yaqaano Dharaqa ee duleedka Baladweyne.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga ayaa ku dhaawacmay shilkaas, isla markaana waxaa la geeyay Xarun Caafimaad, waxaana gurmad u sameeyay dad shacab ah oo goobta Agdhawaa.

Darawalka ayaa la tilmaamay in gaarigaas uu ku waday si xawaare sare ah, uuna mar qura rogmaday, iyadoo ay saarnaayeen dad shacab ah oo ku wajahnaa deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoona uu burbur xoogan soo gaaray gaariga.

Ma’ ahan markii ugu horreeyay oo shil gaari noocaan oo kale uu ka dhaco halka loo yaqaano Dharaqa ee duleedka Magaalada Baladweyne, waxaana xusid in horey shilal gaari halkaas uga dhaceen, kuwaasi oo qaarkood dad ay ku dhinten.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories