HomeWararHowlgal laga sameeyay xaafado ka tirsan Jowhar iyo Booliska oo ka hadlay 

Howlgal laga sameeyay xaafado ka tirsan Jowhar iyo Booliska oo ka hadlay 

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Hirshabeelle ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal ka sameeyay xaafado dhowr ah oo ka tirsan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Taliyaha saldhiga Booliska Jowhar dhamme Maxamed Siyaad Cali Canjeex oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ujeedka howlgalka la sameeyay uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka Hirshabeelle ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal ka sameeyay xaafado dhowr ah oo ka tirsan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha saldhiga Booliska Jowhar dhamme Maxamed Siyaad Cali Canjeex oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in Ujeedka howlgalka la sameeyay uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Taliye Maxamed Canjeex in Ciidanka amniga ay ku guuleysteen sugida amniga Doorashadii Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ee maalmo kahor ka dhacday Jowhar.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Magaalada Jowhar dhamme Maxamed Siyaad Cali Canjeex ayaa u mahadceliyay shacabka kunool halkaas, wuxuuna sheegay inay la shaqeeyeen Ciidanka amniga intii uu socdeen howlaha dhismaha Maamulka.

Hadalka Taliye Canjeex ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xalay rag hubeysan ay weerar Bam gacmeed ah ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin xaafad ka tirsan Jowhar, waxaana weerarka ku dhaawacmay laba Askari oo ka tirsan Ciidanka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories