HomeWararXiisad ka taagan Magaalada Buuhoodle iyo sababta keentay

Xiisad ka taagan Magaalada Buuhoodle iyo sababta keentay

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Warar la helayo ayaa sheegaya in Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Ceyn ay ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa Ganacsatada waaweyn ee deegaankaas iyo Ganacsado yaryar oo kasoo jeeda Koonfuta Soomaaliya. Xiisad ayaa ka dhalatay muran ku aadan badeecadaha kala duwan iyo dharka ee lagu iibiyo gudaha Buuhoodle, waxaana labada dhinac ee Ganacsatada ah ay isku […]

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa sheegaya in Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Ceyn ay ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa Ganacsatada waaweyn ee deegaankaas iyo Ganacsado yaryar oo kasoo jeeda Koonfuta Soomaaliya.

Xiisad ayaa ka dhalatay muran ku aadan badeecadaha kala duwan iyo dharka ee lagu iibiyo gudaha Buuhoodle, waxaana labada dhinac ee Ganacsatada ah ay isku heystaan qiimaha la iibinayo badeecadaha yaalla halkaas.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in Ganacsatada waaweyn ee deegaanka ku ah Magaalada ay badeecadaha dadka uga iibinayaan qiimo sare, halka Ganacsatada yaryar ee kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ay ku iibinayaan qiimo aad u yar.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ganacsatada waaweyn laga iibsan waayay badeecado kala duwan oo ay keeneen, isla markaana ay khasaareen, dadkuna ay u wareegsadeen dhinaca Ganacsatada kasoo jeeda Koonturta ee qiimaha yar ku iibinaya badeecadaha.

Ganacsatada Buuhoodle  ayaa la tilmaamay inay doonayaan in Magaalada laga saaro Ganacsatada yaryar ee kasoo jeeda Koonfurta, isla markaana dib loogu celiyo Gobolladii ay ka yimaadeen markii horey, si xal looga gaaro muranka halkaas ka taagan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories