HomeWararMadaxdii G/Tigreey-ga oo farriin Qaylo dhaan u diray Midowga Afrika

Madaxdii G/Tigreey-ga oo farriin Qaylo dhaan u diray Midowga Afrika

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Hogaamiyaha gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa ka codsaday midowga Afrika in ay soo fara galiyaan si loo joojiyo in dalku u dhaqaaqo dhankaa iyo dagaal sokeeye. Hadal telefishanka laga sii daayay ayuu Debretsion Gebremichael ku sheegay in Tigray ay sii wadi doonto inay isdifaacdo ilaa dowladda federaalka ay ogolaato inay wadahadlaan. Wararka naga soo […]

- Advertisement -

Hogaamiyaha gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa ka codsaday midowga Afrika in ay soo fara galiyaan si loo joojiyo in dalku u dhaqaaqo dhankaa iyo dagaal sokeeye.

Hadal telefishanka laga sii daayay ayuu Debretsion Gebremichael ku sheegay in Tigray ay sii wadi doonto inay isdifaacdo ilaa dowladda federaalka ay ogolaato inay wadahadlaan.

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya gobolka dariska la ah ee Amxaarada ayaa sheegaya in 100 askari oo katirsan ciidamada federaalka laga dawaynayo dhaawacyo. Mar sii horeysay, Mr Abiy isagoon wax sharaxaad ah ka bixin wuxuu shaqada ka ceriyay taliyihiisa ciidanka, madaxii sirdoonka iyo wasiirkii arrimaha dibada.

Taliyaha cusub ee ciidanka Berhanu Jula ayaa sheegay in ciidamada federaalku ay qabsadeen afar magaalo oo kuyaala galbeedka Tigray.

Xukuumadda Abiy ayaa ku eedaysay xoogaga gobolkaas ee u daacadda ah xisbiga TPLF ee talada gobolka hayey tan iyo horaantii sagaashamaadkii, in ay weerarro ku qaadeen saldhig milatari oo gobolkaa ku yaal iyo sidoo kale goobo ka tirsan gobolka la deriska ah ee Amhara.

- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in howlgalka milateri ee laga bilaabay gobolka Tigray looga gol leeyahay in lagu soo af-jaro “isla xisaabtan la’aanta ka jirta gobalkaas”.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories