HomeWararIlhaan Cumar oo War kulul kasoo saartay tallaabo ay qaaday Israa’iil

Ilhaan Cumar oo War kulul kasoo saartay tallaabo ay qaaday Israa’iil

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska dalka Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay tilaabooyin burburin ah oo dowladda Israa’iil ay maalmihii dambe ka waday dhul ay xoog uga heysato Falastiin. Qoraal ay soo saartay Ilhaan Cumar ayaa waxaa ay ku sheegtay in Israa’iil ay wado xad-gudub weyn oo dhambi ah ayna ku burburineyso guryo […]

- Advertisement -

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska dalka Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay tilaabooyin burburin ah oo dowladda Israa’iil ay maalmihii dambe ka waday dhul ay xoog uga heysato Falastiin.

Qoraal ay soo saartay Ilhaan Cumar ayaa waxaa ay ku sheegtay in Israa’iil ay wado xad-gudub weyn oo dhambi ah ayna ku burburineyso guryo ay leeyihiin dad rayid ah, isla markaana xoog ku heysto, kuwaasi oo ku yaalla daanta Galbeed.

- Advertisement -

Waxaa ay sheegtay Ilhaan Cumar inay aad uga xun tahay tallaabada ay qaadeen Ciidanka Israa’iil oo ay ku burburiyeen guryihii ay daganaayeen dadkii Falastiiniyiinta ahaa, iyadoona Cambaareysay arrintaas.

Sidoo kale Xildhibaanad Ilhaan oo ah Haweeney Soomaali ah ayaa tilmaamtay in haddii Mareykanka ka aamiso tallaada ay wadaan Yuhuuda ay noqoneyso mid uu uga qeyb qaadanayo dambiyada caalamiga ah ee la galayo.

“Waxa socda waa xad gudub weyn oo dambi ah haddii Maraykanku ka aamiso waxay la mid noqoneysaa iney ka qeyb qaadaneyso dambiyada caalamiga ah ee la galayo.” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo qoraal soo saartay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories