HomeWararMaamulka Gobolka Banaadir oo weli ku howlan fulinta Amarkii RW Rooble

Maamulka Gobolka Banaadir oo weli ku howlan fulinta Amarkii RW Rooble

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa xalay soo kormeeray waddooyinka waa-weyn ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo maalmihii u danbeeyay saameyn ku yeeshay biyo-dhiga Roobabkii ka da’ay Muqdisho. Wadooyinka uu booqday Ku-simaha ayaa waxa ay kala ahaayeen Wadada weyn ee xiriirisa Dekkada Muqdisho illaa KM4, Wadada Xiriirisa KM4 […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa xalay soo kormeeray waddooyinka waa-weyn ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo maalmihii u danbeeyay saameyn ku yeeshay biyo-dhiga Roobabkii ka da’ay Muqdisho.

Wadooyinka uu booqday Ku-simaha ayaa waxa ay kala ahaayeen Wadada weyn ee xiriirisa Dekkada Muqdisho illaa KM4, Wadada Xiriirisa KM4 illaa Airporka Muqdisho, Wadada Ceel Qalow ee Degmada Wadajir iyo Wadada Daalo ee Degmada Howlwadaag.

- Advertisement -

Waddooyinkaas oo ah kuwo ku xirmay biyaha Roobkii ka da’ay Caasimadda dalka ayaa haatan waxaa dib ugu soo laabtay isu-socodkoodkii dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waxaana qaarkood ku socdo shaqooyin biyaha looga qaadayo.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa warbaahinta u sheegay in ka-sakow biyo qaadista ay Magaalada ka wadaan Maamulka Gobolka Banaadir, sidoo kale ay socoto in loo gurmado dadka danta yar ee dhibaatooyinka kasoo gaareen roobabkii ka da’ay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan ka da’ay roobab xoogan oo biyo farabadan dhigay waddooyin dhowr ah oo ku yaalla Caasimadda, waxaana taas ay saameyn xoogan  ku yeelatay gaadiidka iyo dadka, xili gaadiidleyda ay isticmaalayeen waddooyin qardo-jeer oo dhex yaalla xaafadaha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts