HomeWararAl-shabaab oo xalay weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayen Ciidamo

Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayen Ciidamo

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wararka aan ka heleyno Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas habeenkii xalay aheyd uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Kenya iyo Al-shabaab. Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ku leeyihiin  Ceel-waaq, waxaana halkaas ka dhacay […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas habeenkii xalay aheyd uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Kenya iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ku leeyihiin  Ceel-waaq, waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo kooban socday.

- Advertisement -

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka, intaas kadibna ay maqlayeen rasaas dhow daqiiqo socotay oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen labada dhinac, wallow markii dambe istaagtay.

Wararka ayaa intaas kusii jira in uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalkii dhacay, waxaana xaaladda Magaalada Ceel-waaq saakay ay tahay mid degan, sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan oo geystay khasaaro ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, waxaana sidoo kalena xusid mudan in dagaalo ay dhexmareen labada dhinac.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories