HomeWararMas’uuliyiinta Degmo ka tirsan G/Baay oo la Qarxiyay iyo Khasaaro ka dhashay

Mas’uuliyiinta Degmo ka tirsan G/Baay oo la Qarxiyay iyo Khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo duhirnimadii Maanta lala eegtay Mas’uuliyiinta ugu sarreeysa Maamulka degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay la socdeen Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere, ku-xigeenkiisa, xubno kale oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo duhirnimadii Maanta lala eegtay Mas’uuliyiinta ugu sarreeysa Maamulka degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay la socdeen Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere, ku-xigeenkiisa, xubno kale oo ka tirsan Maamulka iyo Askar Ilaalo u aheyd.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in jugta qaraxa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada, kadibna la maqlay dhawaqa rasaas farabadan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Qansax-dheere.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahood dhinaca Qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxa lala eegtay Mas’uuliyiinta ugu sarreeysay degmadas, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Shabaabka ayaa sheegtay in qaraxaas ay ku dileen Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Qansax-dheere oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Yuusuf iyo Askar ilaalo aheyd oo saarnaa gaariga qaraxu qabsaday, sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray Guddoomiyaha degmadaas.

- Advertisement -

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ka Qansax-dheere oo ay uga hadlayaan qaraxii Maanta ka dhacay gudaha degmadaas ee geystay Khasaaraha kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts