HomeWararGolaha Shacabka oo Maanta ansixiyay sharci muhiim ah oo la horgeeyay

Golaha Shacabka oo Maanta ansixiyay sharci muhiim ah oo la horgeeyay

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan ‘’Nuux’’ uu dhaariyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Howlaha guud dib u dhiska iyo guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha guddiga Maaliyadda, miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa  ka hadlay muhiimadda uu dalka u leeyahay wax ka bedelka sharciga Hanti dhowrka guud ee Dowladda, isagoo ka codsaday in goluhu ansixiyo sharcigan.

Xildibaannada Golaha Shacabka oo sharcigan cod u qaaday ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.

Dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa badankood isku aragti ka qabay wax ka bedelka Qodobka 10-aad ee sharciga guddiga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo mudo xileedkiisu uu ku ekaa Bishii September ee sanadkan, balse uu guddigu soo jeediyay In mudo afar sano ah loogu daro maadaamaa uu howlo muhiim  ah hayo.

Xildhibaanadda oo cod geliyay soo jeedinta Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka ee ah in guddiga madaxabanana ee xuduudaha Federaalka  afar sano oo dheeraad  loogu daro mudo xileedkiisa ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan oo ah tirada Xildhibaannada kulanka joogay,sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, waxaana ugu dambeyn kulanka soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories