HomeWararTaliyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya Somalia Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Ujeedka Taliye Odawaa ee Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid ku aadan dib u habeen lagu sameeynayo Ciidanka Xooga dalka iyo howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya Somalia Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Ujeedka Taliye Odawaa ee Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid ku aadan dib u habeen lagu sameeynayo Ciidanka Xooga dalka iyo howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo laga bilaabi doono deegaanada Galmudug.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Dalka ayaa markii uu gaaray Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka qeybta 21-aad iyo Saraakiil kale oo ku sugan halkaas.

Safarka Taliye Odawaa ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan Dhuusamareeb uu socdaal ku gaaray Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, isagoo kulan kula qaatay Madaxda sare ee Galmudug.

Sidoo kale Taliye Xijaar ayaa shalay safar dhanka dhulka ku gaaray Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, isagoo safarkiisa yahay mid la xiriira amniga deegaanada Maamulka Galmudug iyo sahan ku aadan amniga Doorashada 202/2021.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories