HomeWararMadaxweynaha Somaliland oo Digniin Culus u diray Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Somaliland oo Digniin Culus u diray Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa farriin cad u diray hay’ado kala duwan ee ku sugan deegaanada maamulkooda, kuwaas oo uu tilmaamay inay wadaan shirqoollo qarsoon oo lagu dibin-daabyeynayo Somalialnd. Madaxweyne Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan Hay’addo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin kuwa Qaramada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa farriin cad u diray hay’ado kala duwan ee ku sugan deegaanada maamulkooda, kuwaas oo uu tilmaamay inay wadaan shirqoollo qarsoon oo lagu dibin-daabyeynayo Somalialnd.

Madaxweyne Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan Hay’addo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin kuwa Qaramada Midoobay oo howlo siyaasadeed ka wada deegaanada Somaliland.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay in Hay’addaha sannadihii dambe ay u dhaqmayeen si siyaasad oo wax u dhimeysa Somaliland, isla markaana Hay’addaha deegaanada Maamulkooda ka fuliyaan amaro laga  siiyay Villa Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Sannadahan dambe hay’ado aan siyaasadda gelin oo ay kamid tahay Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa oo ay kamid yihiin hay’ado badan oo isku magacaabo samo-fal oo cashuur bixiyayaasha dalalkooda lacag kaga ururusada waxanu gargaaraynaa dad baahan, sannadahan dambe waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa qarannimada Somaliland oo ah inay fuliyaan amarrada laga siiyo VILLA SOOMAALIYA, iyagu ilaaliyaan ee mushaharka ka bixiyaan bay soo gudbiyaan amarradeeda, taasina ma suuroobayso, wakiilka qaramada qaramada midoobay ee Xamar joogaa wuxuu u joogaa Soomaaliya, annaguna waannu ixtiraamaynaa Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, diyaarna waannu u nahay inaanu la shaqayno, dawladd kasta oo caalamka ahna walaaltinimo iyo wada-shaqayn baannu u haynaa” ayuu yiri Muuse Biixi.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland ayaa digniin culus u diray Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee la shaqeeya, isaga oo uga digay inay Somaliland la yimaaddaana awaamiir uu sheegay inay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories