HomeWararMagaalo ka tirsan Galmudug oo Bandow la geliyay iyo sababta keentay

Magaalo ka tirsan Galmudug oo Bandow la geliyay iyo sababta keentay

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa amray lamaha Amniga Galmudug in Magaalada Caabudwaaq uu Maanta ka dhaqan galo Bandow inta laga xaqiijinayo Amniga Magaalada. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa laamaha amniga ee ka howlgala Magaalada faray inay gacanta kusoo dhigaan Maleeshiyaad hubeyan oo horey falal dilala kala duwan uga geystay Caabudwaaq. Sidoo kale Taliyaha […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa amray lamaha Amniga Galmudug in Magaalada Caabudwaaq uu Maanta ka dhaqan galo Bandow inta laga xaqiijinayo Amniga Magaalada.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa laamaha amniga ee ka howlgala Magaalada faray inay gacanta kusoo dhigaan Maleeshiyaad hubeyan oo horey falal dilala kala duwan uga geystay Caabudwaaq.

- Advertisement -

Sidoo kale Taliyaha Booliska qaybta Gobolka Galgaduud Col Dhagahoor oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay weerar dad shacab ah lagu dilay oo barqadii Maanta ka dhacay Caabudwaaq, ayna fuliyeen rag hubeysan oo watay gaari.

Taliye Dhagahoor ayaa waxaa uu tilmaamay in laamaha amniga Magaalada ay wadaan howlgal ballaaran oo lagu doonayo in lagu soo qabto raggii ka dambeeyay falkii lagu dilay laba ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Ugu dambeyn Taliyaha Booliska qaybta Gobolka Galgaduud ayaa shaaciyay in Bandowga uu Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug kusoo rogay Magaalada Caabudwaaq uu bilaaban doono 11:30 Am oo Maanta ah.

- Advertisement -

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarkii Maanta dhacay uu yahay mid salka ku haayo arrimo la xiriira aano qabiil, isla markaana weerarkaas ay geysteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories