HomeWararBanaanbax ballaaran oo looga horjeedo Faransiiska oo ka dhacay Gaalkacyo

Banaanbax ballaaran oo looga horjeedo Faransiiska oo ka dhacay Gaalkacyo

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Waxaa Maanta oo Arbaco ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga horjeeday Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dowladdiisa. Boqolaal qof oo isugu jiray Culimo, dhalinyaro, Haween iyo Ardayda wax ka barata dugsiyada Magaalada ayaa isugu soo baxay bartamaha Gaalkacyo, iyagoona ahaa kuwo aad uga careysan Madaxweyne Macron oo taageeray […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo Arbaco ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga horjeeday Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dowladdiisa.

Boqolaal qof oo isugu jiray Culimo, dhalinyaro, Haween iyo Ardayda wax ka barata dugsiyada Magaalada ayaa isugu soo baxay bartamaha Gaalkacyo, iyagoona ahaa kuwo aad uga careysan Madaxweyne Macron oo taageeray Ninkii Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH.

- Advertisement -

Banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah Madaxweynaha Faransiiska iyo dowladdiisa, isla markaana dadka ahaayeen kuwa aad u muujinaya Jaceylka Rasuulka SCW, kuna dhawaaqayay Magaca Nebi Muxamed.

Sidoo kale qaar kamid dadkii dhigaayay banaanbaxa ayaa waddooyinka ku gubayay Sawiradda Madaxweyne Emmanuel Macron, waxaana goobta la isugu tegay Culimada ka jeediyeen Khudbado qiiro geliyay dadka, sidoo kalena muujinayay Jaceylka Nebiga.

Shalay ayay aheyd markii Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ee Somaliland lagu qabtay banaanbax ka dhan ah Maadxweynaha Fanankiisa iyo dowladdiisa, sidoo kalena halkaas lagu gubay Sawiradda Emmanuel Macron.

- Advertisement -

Dalal farabadan oo ka tirsan dunida Muslimka ayaa siweyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Emmanuel ee taageeray ugu muujiyay Ninkii  la dilay ee Sawirka ka sameeyay Rasuulka SCW, waxaana dalalka Muslimka ka dhacay banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynahaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories