HomeWararMadaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii bihii lasoo dhaafay uu safaro kala duwan ugu maqnaa dalka dibadiisa. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Sheekh Shariif kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran, Xildhibaano iyo xubno kale, waxaana haatan socota Munaasabad lagu soo […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii bihii lasoo dhaafay uu safaro kala duwan ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Sheekh Shariif kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran, Xildhibaano iyo xubno kale, waxaana haatan socota Munaasabad lagu soo dhaweynayo.

- Advertisement -

Sheekh Shariif ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Nairobi oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa, isagoo halkaas kulan kula soo qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyagoo ka wada  hadlay Arrimo kala duwan.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif ayaa xubno sar sare oo ka tirsan Imaaraaadk Carabta kula kulmay Magaalada Abu Dubai, isagoona wada ololihiisa Doorashada Madaxtinimada dalka.

Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu safar ku tego Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle oo ay ka socdaan ololaha Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, kadib markii xalay lagu dhawaaqay Liiska Xildhibaanada Cusub ee maamulkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories