HomeWararMadaxweynaha Puntland ku wajahan mid kamid ah dalalka Afrika iyo Ujeedka

Madaxweynaha Puntland ku wajahan mid kamid ah dalalka Afrika iyo Ujeedka

Date:

Related stories

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in Maanta uu safar uga ambabaxo Magaalada Garoowe, isagoo kusii jeeda Magaalada Addis  Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Warar la helayo ayaa sheegaya safarka Madaxweynaha Puntland ee Addis Ababa uu yahay mid la xiriira Arrimo kala duwan oo kamid yihiin Arrimaha Horumarinta Ganacsiga iyo wax […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in Maanta uu safar uga ambabaxo Magaalada Garoowe, isagoo kusii jeeda Magaalada Addis  Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Warar la helayo ayaa sheegaya safarka Madaxweynaha Puntland ee Addis Ababa uu yahay mid la xiriira Arrimo kala duwan oo kamid yihiin Arrimaha Horumarinta Ganacsiga iyo wax soo-saarka Khudaarta.

- Advertisement -

Inta uu ku sugan yahay Addis Ababa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Ganacsato.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan socdaal ku tegay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo kaga sii gudbiyay Imaaraadka Carabta, waxaana halkaas uu kula kulmay Madax ka tirsan Imaaraadka iyo xubno kale.

Madaxweyne Deni ayaaa shalay si rasmi ah u furay kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland, isla markaana halkaas ka jeediyay Khudbado uu uga hadlay Arrimo kala duwan iyo heshiiska sanadkii 2017-kii Puntland ka gashay Shirkadda DP-WORLD.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories