HomeWararMadaxweynaha Somaliland oo Maanta magacaabay Mas’uuliyiin Cusub

Madaxweynaha Somaliland oo Maanta magacaabay Mas’uuliyiin Cusub

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/XKQ/222/1-565/102020 iyo SL/XM/WM/222-566/102020 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Sahal Maxamed Jaamac; Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane, Sida […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/XKQ/222/1-565/102020 iyo SL/XM/WM/222-566/102020 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

- Advertisement -

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Sahal Maxamed Jaamac;
Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

- Advertisement -

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1- Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

2- Maxamed Xasan Dirir Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha .

3- Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta.

4- Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga.

5-Maxamed Geeddi Caynaanshe Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

6- Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories