HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo shaaciyay qorshaha Golihiisa Wasiirada Cusub

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shaaciyay qorshaha Golihiisa Wasiirada Cusub

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Golaha Shacabka horgeeyey xubnaha cusub iyo Qorshaha Golaha Xukuumadda ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddu ay saldhig u yihiin arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorashooyinka, adkeynta amniga, horumarinta caddaaaladda, dowlad-wanaagga, kordhinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Golaha Shacabka horgeeyey xubnaha cusub iyo Qorshaha Golaha Xukuumadda ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddu ay saldhig u yihiin arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorashooyinka, adkeynta amniga, horumarinta caddaaaladda, dowlad-wanaagga, kordhinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wadajir ugala shaqeynayso Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo shacabka Soomaaliyeed suggida aminga xilliga Doorashadda, Iyadoo laga amba-qaadayo go’aanadii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo midkii ka danbeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranku ay ku heshiiyeen Muqdisho, 17kii Sebtember 2020, laguna qeexayay qaabka doorashooyinka, ergooyinka, deegaan doorashada, qoondada haweenka iyo in ay doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda.

- Advertisement -

“Xukuumadda oo kaashaneysa Dowladaha Xubnaha ka Ah DF, waxay dardar-gelinaysaa dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista Qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah. Waxa aan shaki ku jirin in fulinta qorshahan uu siin-doono shacabka, hay’adaha dowladda iyo ciidamada amnigu fursad ay si wadajir ah u sugayaan xasilloonida iyo nabadda dalka”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo, isagoo tilmaamay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah qeybaha bulshada ee nugul.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories