HomeWarar11 caruur ah iyo Macalinkoodii oo ku dhintay Duqeyn lala beegsaday Dugsi...

11 caruur ah iyo Macalinkoodii oo ku dhintay Duqeyn lala beegsaday Dugsi Qur’aan

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday Dugsi lagu barto diinta oo kuyaala gobolka Takhar ee waqooyiga Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka. Waxay sheegeen in duqeyntu ay ka dhacday dugsi Qura’aan oo ku yaalla tuulada Hazara Qurluq ayna ku dhinteen 11 caruur ah iyo […]

- Advertisement -

Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday Dugsi lagu barto diinta oo kuyaala gobolka Takhar ee waqooyiga Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Waxay sheegeen in duqeyntu ay ka dhacday dugsi Qura’aan oo ku yaalla tuulada Hazara Qurluq ayna ku dhinteen 11 caruur ah iyo macalinkoodii.

- Advertisement -

Dowladda Afghanistan sheegtay inay ku dishay aaga duqeyntu ka dhacday 12 dagaalyahan oo ka tirsan Taalibaan.

Duqeyntan ayaa timid kadib markii in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan ciidamada amniga lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay Taalibaan ku qaadeen gobolka.

Saraakiisha gudaha ayaa sheegaya in 14 kale ay ku dhaawacmeen duqeynta dhanka cirka ah ee halkaa ka dhacday Arbacadii a. Imaamka masaajid ku yaalla Tuuladaas oo lagu magacaabo Cabdul Awal, oo kamid ahaa dhaawacyada lana dhigay isbitaal, ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo caruur oo kaliya ay kujireen masjidka xiligii duqeynta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories