HomeWararQM oo soodhaweeysay mid ka mid ah Wasiirada Magacaaban

QM oo soodhaweeysay mid ka mid ah Wasiirada Magacaaban

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula ayaa hambalyo u diray wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadija Maxamed Diiriye oo ka mid ahayd xukuumaddii uu todobaadkan magacaabay Ra’isal wasaare Maxmed Xuseen Rooble. Abdelmoula oo sidoo kale ah isu-duwaha xafiiska gargaarka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu […]

- Advertisement -

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula ayaa hambalyo u diray wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadija Maxamed Diiriye oo ka mid ahayd xukuumaddii uu todobaadkan magacaabay Ra’isal wasaare Maxmed Xuseen Rooble.

Abdelmoula oo sidoo kale ah isu-duwaha xafiiska gargaarka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxa uu ku sheegay inuu filayo in Wasiirka cusub uu kala shaqeeyo ka jawaabidda halisaha guud ee ay Soomaaliya wajaheyso.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in si gaar ah xafiiska QM iyo Wasaaradda ay sare u qaadayaan iskaashiga xal u helista dhibaatooyinka seddex-geesoodka ah oo ay Soomaaliya wajahayso

“Hambalyo Hon. Khadija Mohamed Dirie oo noqotay Wasiirka cusub ee Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka. Waxaan rajeynayaa in aan sii xoojinno iskaashiga aan xal ugu raadineyno  culeysyada seddex geesoodka ee bani’aadannimo ee Soomaaliya, waxaan u xal raadin doonnaa culeysyadaas innaga oo qaadeynta dadaal loo dhan yahay oo xal-waara lagu raadiyo”. Ayuu qoraalkiisa ku yiri Mr. Adam Abdelmoula, Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xogheyaha guud ee QM

Soomaaliya ayaa wajaheysa culeysyo uga imanaya jihooyin seddex ah oo kala ah; ayaxa saxaraha, saameynta COVID19 iyo raadka ay ka tageen fatahaadihi dhawaa.

- Advertisement -

Iskaashiga QM iyo Dowladda Soomaaliya ayaa muhiim u ah in la isku dayo yareynta, kahortagga iyo maareynta halis-wadareedyada

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories