HomeWararCiidamo hubeysan oo la wareegay Xarun Wasaaradeed ka tirsan Puntland

Ciidamo hubeysan oo la wareegay Xarun Wasaaradeed ka tirsan Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Maamulkaas ay ka wareegeen Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland oo ku taalla halkaas. Ciidamada qabsaday Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa waxaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin helitaanka Mushaaraadkooda oo aysan helin muddo dhowr […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Maamulkaas ay ka wareegeen Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland oo ku taalla halkaas.

Ciidamada qabsaday Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa waxaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin helitaanka Mushaaraadkooda oo aysan helin muddo dhowr bilood ah, taasina ay keentay inay qabsataan Xaruntaas.

- Advertisement -

Sidoo kale Ciidanka hubeysan ayaa ka cabanaya in loo diray howlgal la xariira la dagaalanka Maraakiibta Jariifka ah ka wada xeebaha Maamulka Puntland gaar ahaan agagaarka Boosaaso.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidamada la wareegay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha guud u diideen inay xarunta kabaxaan, iyagoona halkaas ku xayiran.

Sidoo kale Ciidamada ayaa xiray gebi ahaan Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Wasaaradda, isla markaana gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadka u diidaya inay maraan halkaas.

- Advertisement -

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Sare ee Maamulka Puntland oo ay uga hadlayaan Ciidanka Gadoodsan ee saakay la wareegay Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ay ku leedahay Magaalada Boosaaso.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts