HomeWararRW hore Kheyre oo kulan la qaatay Xildhibaanada Soomaaliyeed ee Kenya

RW hore Kheyre oo kulan la qaatay Xildhibaanada Soomaaliyeed ee Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Xildhibaannada iyo Sanatarada Soomaaliyeed ee Kenya. Qoraal uu soo saaray Kheyre ayuu ku sheegay in kulankii uu la qaatay Xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya uu ahaa mid wadatashi ah, loogana hadlay arrimo kala duwan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay Xildhibaannada iyo Sanatarada Soomaaliyeed ee Kenya.

Qoraal uu soo saaray Kheyre ayuu ku sheegay in kulankii uu la qaatay Xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya uu ahaa mid wadatashi ah, loogana hadlay arrimo kala duwan oo aan la faah faahin.

- Advertisement -

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa Xildhibaanada iyo sanatarada uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin.

Kheyre ayaa tilmaamay in uu wadatashiyo dhaxal gal ah horey ula yeeshay Shacabka Soomaaliyeed ee uu Magaalada Nairobi kula kulmay iyo Madaxwaynaha Dowladda Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

“Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya. Waxaan uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin. Horay waxaan wadatashiyo dhaxal gal ah ula yeeshay Shacabka Soomaaliyeed ee aan caasimadda dalka kula kulmay iyo madaxwaynaha Dowladda walaalaha nahay ee Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay welina u taagan dib-u-dhiska dowladnimadeenna” ayuu yiri Kheyre.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts