HomeWararWeerar Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Faah faahino ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan oo ka tirsan dhacay duleedka Magaalada Muqdisho. Dagaalkaas ayaa ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Jaziira duleedka Muqdisho, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan oo ka tirsan dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaas ayaa ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Jaziira duleedka Muqdisho, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Dad degan meelo ku dhow deegaanka Jaziira ayaa ku warramay inay malayeen dhawaqa rasaasta la isdhaafsanayay, isla markaana dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda dhinaca qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkii ka dhacay Jaziira ku dileen Saddex oo ka tirsan Ciidanka dowladda, halka Afar kalena ay ku dhaawaceen.

Sidoo kale Shabaabka ayaa sheegtay in weerarka lagu gubay 6 gaari oo nooca dagaalka, laba kalena ay kusoo furteen, isla markaana Saldhiga la weeraray xubno ka tirsan iyaga kasoo qaateen hub iyo saanado melleteri.

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalkii khasaaraha geystay ee ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories