HomeWararAl-shabaab oo sii deysay dhaqaatiirtii Caafimaad ee Cuba ay afduubteen

Al-shabaab oo sii deysay dhaqaatiirtii Caafimaad ee Cuba ay afduubteen

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sii daayay dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba oo gudaha Kenya ay ka afuubteen, xili halkaas ay howlo Caafimaad u joogeen, sida ay shaacisay Cuba. Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Cuba Bruno Rodriguez oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu shaaciyay in Al-shabaab ay sii daayeen labadii dhaqtar ee muddo ka badan […]

- Advertisement -

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sii daayay dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba oo gudaha Kenya ay ka afuubteen, xili halkaas ay howlo Caafimaad u joogeen, sida ay shaacisay Cuba.

Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Cuba Bruno Rodriguez oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu shaaciyay in Al-shabaab ay sii daayeen labadii dhaqtar ee muddo ka badan sanad qaab afduub ahaa ugu geysteen gudaha dalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Wasiir Bruno Rodriguez ayaa uga mahadceliyay dowladda Federaalka Soomaaliya sii deynta Labadaas oo dhaqtar oo lagu magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez, wxuuuna qadka telefoonka kula hadlay Wasiir Axmed Ciise Cawad.

Ilaa iyo hada lama oga qaabkii lagu siiyay dhqaatiirtii u dhashay Cuba, hayeeshee  Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay Wakaalada wararka AP ayaa u sheegay in wada-hadallo lagu sii daayay.

Si kastaba Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Assel Herrera iyo Landy Rodriguez xilli ay ku sugnaayeen Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Barre ee dalka Kenya, waxaana dhaqaatiirtaas ay kamid ahaayeen 100 dhaqtar oo Dowladda Kenya ay ka keentay Cuba si ay Gobolada Dalka adeeg caafimaad uga fuliyaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories