HomeWararXaliimo Yareey oo shaacisay in Guddiga Doorashooyinka uu sii shaqeyn doono

Xaliimo Yareey oo shaacisay in Guddiga Doorashooyinka uu sii shaqeyn doono

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo yarreey ayaa sheegtay in shaqada uu wado Guddiga doorashooyinka ay sii soconto, xili dalka Soomaaliya ay ka dhaceyso doorasho dadban. Guddoomiye Xaliimo Yarreey oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Guddiga Doorashooyinka uu sii wadi doono howsha diiwaan-gelinta Xisbiyada siyaasadeed ilaa inta lagu shaqeynayo nidaamka dimuqraadiga […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo yarreey ayaa sheegtay in shaqada uu wado Guddiga doorashooyinka ay sii soconto, xili dalka Soomaaliya ay ka dhaceyso doorasho dadban.

Guddoomiye Xaliimo Yarreey oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Guddiga Doorashooyinka uu sii wadi doono howsha diiwaan-gelinta Xisbiyada siyaasadeed ilaa inta lagu shaqeynayo nidaamka dimuqraadiga Qaranka.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga ayaa tilmaamtay inay jiraan dad badan oo su’aalo iska weydiinaya shaqada ay weli wadaan Guddiga Doorashooyinka, waxaana ay Carabka ku dhufatay in shaqada lasii wadi doono, uuna Guddiga sii jirayo.

”Waxaa dhici karto in la leeyahay doorashaa socotee maxay tahay Xisbiyadaan ladiiwan galinaayo gudigaan waa gudi jiro wiligiisna wadi doono howlaha xisbiyada inta uu qaranka jiro oo nidaamka dimuqraadiga aan ku shaqeyneyno ma aqaano hadii Millatari yimaado oo waxa dhan la laalo” ayay tiri Xaliimo Yareey.

Hadalka Guddoomiye Xaliimo Yarreey ayaa kusoo aadaya, iyadoo Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ay heshiis rasmi ah ku gaareen in dalka ay ka dhacdo Doorasho dadban kuna dhacdo waqtigii loogu tala-galay, waxaana heshiiskaas ansixiyay Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories