HomeWararMaxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug?

Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug?

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiiradda Galmudug oo looga hadlay arrimo kala duwan. Shirkaan ayaa waxaa Madaxweyne Qoorqoor ku wehlinayay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid, isla markaana waxaa ka qeyb galay inta badan Golaha Wasiirada Maamulka. Inta uu socday shirka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiiradda Galmudug oo looga hadlay arrimo kala duwan.

Shirkaan ayaa waxaa Madaxweyne Qoorqoor ku wehlinayay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid, isla markaana waxaa ka qeyb galay inta badan Golaha Wasiirada Maamulka.

- Advertisement -

Inta uu socday shirka Golaha ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin amniga guud ee deegaanada Galmudug iyo dhisidda Goleyaasha deegaanka, sidoo kalana ay qaar kamid ah wasaaraduhu ay kusoo gudbiyeen Hindise Sharciyeedyo ay soo diyaariyeen.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Golaha uga warbixayay safarkii uu ku tagay Magaalada Muqdisho iyo heshiiskii siyaasadeed Madaxda lagu dhameystiray hanaanka doorashada dalka ee sanadka 2020/2021.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa shirka golaha kula dardaarmay dardargelinta howlaha horyaalla Xukuumadda iyo fullinta qorsheyaasha hortabinta leh ee u degsan dowlad Goboleedka Galmudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts