HomeWararAl-shabaab oo weerar ku qaaday Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday madaafiic oo sadqii dhexe ee xalay lagu qaaday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug. Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday madaafiic oo sadqii dhexe ee xalay lagu qaaday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha Garoonka diyaaradaha.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in xalay ay maqlayeen dhawaqa madaafiic Culus oo ku dhaceysa agagaarka Garoonka Dhuusamareeb, waxaana tirada madaafiicda la maqlay lagu sheegay ku dhawaad 18 madfac oo qaarkood ku dhacay gudaha garoonka.

Sidoo kale Ciidanka AMISOM ayaa Jawaab ka bixiyay madaafiicda lagu weeraray, waxaana kuwa ay ruuteen Ciidamada qaar kamid ah ay ku dhaceen waddo ku dhow garoonka, iyadoo intaas kadib rasaas goos goos ah la maqlayay.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay Al-shabaab ay ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay AMISOM iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda oo ku aadan weerarka.

- Advertisement -

Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo Ciidanka Xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgal ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo xoogan oo dhinacyada dhexmaray.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts