HomeWararFaah faahin:-Al-shabaab oo weerar Khasaaro geystay ka fulisay Kenya

Faah faahin:-Al-shabaab oo weerar Khasaaro geystay ka fulisay Kenya

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka aan ka heleyno Koonfurta Magaalada Mandheera ee Xarunta Gobolka Waqooyi Barre ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar lagu qaaday gaari Bas ah oo saarnaayeen dad farabadan. Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa gaarigaas weeraray xili uu mararay deegaan lagu magacaabo qutilow oo ku yaalla Koonfurta Magaalada Mandheera, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Koonfurta Magaalada Mandheera ee Xarunta Gobolka Waqooyi Barre ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar lagu qaaday gaari Bas ah oo saarnaayeen dad farabadan.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa gaarigaas weeraray xili uu mararay deegaan lagu magacaabo qutilow oo ku yaalla Koonfurta Magaalada Mandheera, waxaana gaarigaas uu kusii jeeday Magaalada Nairobi.

- Advertisement -

Khasaaro ayaa ka dhashay weerarka lagu qaaday gaariga Baska ahaa, waxaana ku dhaawacmay 8 ruux oo kamid ahaa dadkii la socday  gaariga, iyadoona 4 kamid ah dadkaas ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Dad ku sugan deegaanka qutilow ee Koonfurta Mandheera ayaa gurmad u sameeyay dadka waxyeelada soo gaartay, isla markaana waxaa dhaawacyada loo soo qaaday Xarumo Caafimaad oo ku yaalla degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya ayaa lagu warramay inay tageen goobta uu weerarka ka dhacay, iyagoona halkaas ka sameeyay howlgal lagu baadi goobayo ragii ka dambeeyay falkaas oo goor hore goobta ka baxsaday.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa marar farabadan weeraro geystay Khaasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka fulisay gudaha Kenya iyo deegaano ka tirsan dalkaas, waxaana Shabaabka weeraro ka dhacay duleedka Mandheera ku dileen Askar Kenyaati ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts