HomeWararWafdi ka socda Jabuuti oo Hobyo soo gaaray iyo ujeedka

Wafdi ka socda Jabuuti oo Hobyo soo gaaray iyo ujeedka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wafdi ka socda dawladda aanu walaalanaha nahay ee jabuuti ayaa kormeer ku tagay shalay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, iyagoo qiimaynaya gacanta ay ka gaysan karaan dhismaha Dekadda Hobyo oo dawlad goboleedka Galmudug uu qorshaynayo in dhawaan la bilaabo. Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo wafdiga Hobyo ku soo dhaweeyey ayaa uga mahadceliyey sida […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wafdi ka socda dawladda aanu walaalanaha nahay ee jabuuti ayaa kormeer ku tagay shalay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, iyagoo qiimaynaya gacanta ay ka gaysan karaan dhismaha Dekadda Hobyo oo dawlad goboleedka Galmudug uu qorshaynayo in dhawaan la bilaabo.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo wafdiga Hobyo ku soo dhaweeyey ayaa uga mahadceliyey sida Jabuuti ay mar walba u garab taagantahay Soomaaliya iyo sida ay uga go’antahay inay Galmudug ku garab siiyaan dhismaha Dekadda Hobyo, waxaana uu balan qaaday inay xoojinayaan amniga si mashaariicda horumarineed ee la filayo ay ugu qabsoomaan si nabadgalyo leh.

- Advertisement -

Lataliye sare Maxamed Aadan Waabari oo ka socday maamulka Dekadaha iyo aagga canshuuraha ka caagan ee Jabuuti ayaa sheegay in ay Hobyo u yimaadeen qiimaynta qaabka ugu sahlan ee Dekad looga hirgalin karo, ka tala bixinta dhismaha Dekadda iyo inay kaalin ka gaystaan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa todobaadkii hore socdaal rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti, isagoo la kulmay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxda furdooyinka, waxaana safarka wafdigan uu ka mid yahay natiijooyinkii ka dhashay kulamadaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts