Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa u ama-baxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya, waxaana wararku sheegayaan in safarka qoor qoor uu aha mid deg deg ah.
waxaa uu ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana sida la sheegay uu raacay Diyaarad ay leeyihin UN-ka, lamana oga u jeedka safarkiis,
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne qoor qoor uu maalinimada berry ah kusoo laaban doono muqdisho oo la filayo in uu ka furmo shirka Madaxda dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleed yada dalka.
Shirka oo ay dib uga soo biireen ka qayb galkiisa Madaxda Hir-shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa loo ballansan yahay in uu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
