HomeWararGuddoomiyihii rugta Ganacsiga Jubbaland oo u geeriyooday dhaawacii soo gaaray

Guddoomiyihii rugta Ganacsiga Jubbaland oo u geeriyooday dhaawacii soo gaaray

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Waxaa Goordhow Isbitaal ku yaalla Magaalada Kismaayo ku geeriyooday Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Maamulka Shaafi Raabi Kaahin, kaasi oo dhaawac Culus daqiiqado kahor uu kasoo gaaray qarax xoogga. Duhurnimadii Maanta xili laga soo baxay salaadii jimcaha ayaa qarax Ismiidaamiin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa waxaa uu ka dhacay gudaha Magaalada Kismaayo. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Goordhow Isbitaal ku yaalla Magaalada Kismaayo ku geeriyooday Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Maamulka Shaafi Raabi Kaahin, kaasi oo dhaawac Culus daqiiqado kahor uu kasoo gaaray qarax xoogga.

Duhurnimadii Maanta xili laga soo baxay salaadii jimcaha ayaa qarax Ismiidaamiin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa waxaa uu ka dhacay gudaha Magaalada Kismaayo.

- Advertisement -

Jugta qaraxaas ayaa laga maqlay inta badan xaafaddo Caasimadda KMG ah ee Jubbaland, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhawaac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar ilaalo u laheyd Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Maamulkaas.

Guddoomiye Shaafi Raabi ayaa marka hore waxaa qaraxaas kasoo gaaray dhaawac Culus, iyadoo loola cararay Isbitaalka Kismaayo, hayeeshee markii la geeyay halkaas ayuu geeriyooday, waxaana sidoo kale Isbitaalka la dhigay dad shacab ah oo waxyeelo gaartay.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, isla markaana waxaa ku dhaawacmay dad ku dhow 8 qof, waxaana dadkaas ay u bahan yihiin kuwo kasoo baxay Masaajid oo ay kusoo tukadeen salaadii khudbada ee Jimcaha Maanta.

- Advertisement -

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan qaraxii Khasaaraha geystay ee ka dhacay Magaalada Kismaayo, waxaana la sheegayaa inay socdaan baaritaano kala duwa n.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts