HomeWararMusharax Joe Biden oo booqday Nin Madow ah oo Todobo  xabadood lagu...

Musharax Joe Biden oo booqday Nin Madow ah oo Todobo  xabadood lagu tiriyay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ah ee Joe Biden ayaa qadka telefoonka kula hadlay Jacob Blake oo ah ninkii madowga ahaa ee ay booliska dhabarka kaga toogteen magaalada Kenosha ee gobolka Wisconsin taas oo horseedday dibadbaxyo ballaaran. Mr Blake, oo isbitaalka yaala isagoo curyaan ah ayaa Joe Biden u sheegay inuusan marnaba isdhiibii doonin hadii uu marlabaad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ah ee Joe Biden ayaa qadka telefoonka kula hadlay Jacob Blake oo ah ninkii madowga ahaa ee ay booliska dhabarka kaga toogteen magaalada Kenosha ee gobolka Wisconsin taas oo horseedday dibadbaxyo ballaaran.

Mr Blake, oo isbitaalka yaala isagoo curyaan ah ayaa Joe Biden u sheegay inuusan marnaba isdhiibii doonin hadii uu marlabaad cagigiisa ku socdo iyo haddii uu toos u curyaamamaba.

- Advertisement -

Biden ayaa ka hadlayay kulan ka dhacayay kaniisad ku taalla magaalada ay toogashada ka dhacay. Dhanka kale madaxweyne Donald Trump ayaa isna Talaadadii booqday magaalada Kenosha.

Trump ayaa qiimeyn ku sameeyay burburka soo gaaray goobaha ay saameeyeen mudaaharaadyada gilgilgay magaalada Kenosha kaddib toogashadii Jakob Blake oo ay booliska 7 xabadood dhabarka kaga dhufteen.

Hase yeeshee madaxweyne Trump lama uuusan kulmin qoyska Blake waxa uuna sababta ku sheegay iney doonayen in qareennada ay goobjoog ka ahaadaan boqashadiisa. Gobolka Wisconsin ayaa ah gobol aad muhiim ugu ah doorashada madaxtinimada ee Mareykanka.

- Advertisement -

Trump ayaa dirayay farriimo isdaba joog oo ah in kala dambeynta magaalada la ilaaliyo hase yeeshee Biden ayaa madaxweyne Trump ku eedeeyay inuu sii hurinayo khalalaasaha ku qotoma midabtakoorka iyo kala qeybsanaanta shacabka reer Mareykan.

Barasaabka gobolka Wisconsin Tony Evers ayaa sheegay inuu door-bidi lahaa ineysan gobolka iman, musharax Trump ama musharax Biden

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts