HomeWararDeni oo kulan la qaatay xubnaha ku Matala Puntland Dowladda Federaalka

Deni oo kulan la qaatay xubnaha ku Matala Puntland Dowladda Federaalka

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Mamaul Goboleedka Puntland Siciid cabdullaahi deni ayaa xalay kulan kula qaatay Magaalada muqdisho Xldhibaanada Puntland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirada ka tirsan Xukumadda xilgaarsiinta ah ee dowladda federaalka Soomaaliya. Inta kulanku uu socday ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya arrimaha siyaasadeed ee ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Mamaul Goboleedka Puntland Siciid cabdullaahi deni ayaa xalay kulan kula qaatay Magaalada muqdisho Xldhibaanada Puntland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirada ka tirsan Xukumadda xilgaarsiinta ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Inta kulanku uu socday ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya arrimaha siyaasadeed ee ka taagan, waxaana inta kulanku socday si hoose la isaga xog wareystay doorashooyinka iyo arrimo kale.

- Advertisement -

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland oo kulan kadib warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyabaha kulanka looga hadlay.

Waxaana uu sheegay in waxyaabaha laga hadlay kulanka ay haayeen kuwo dhamamantood ku qotamo xaaladda siyaasadeed ee taagaan iyo Qaabka maamulka Puntland ay uga qayb qaadan lahayd doorashada soo aaddan iyo nooca doorasho ee ugu wanaagsan, waxaa sidoo kale uu sheegay in la iska waraystay Mowqifka Puntland ay ka taagan tahay Doorashada soo socota.

Sidoo kale waxyaabaha kulanka looga hadlay aya waxaa ka mid ahaa dar-dar galinta iyo horumarinta Nidaamka Dumoqoraadiyadeed ee Puntland iyo sidii loo hormarin lahaa Puntland.

- Advertisement -

Dib u habeynta Ciidanka Puntland iyo horumarinta Nidaaamka Maaliyadeed ee Maamul goboleedka Puntland ayuu sheegay Afhayeenka madaxtooyada in lagu faaqiday Kulanka Xalay dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo Xldhibaanada iyo Wasiirada  Puntland ku matala Baarlamaanka labada Aqal Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tan iyo markii uu muqdisho kasoo dagay waxaa uu wada kulamo joogta ah oo uu la yeeshay siyaasiyiinta iyo sidoo kale madaxda ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana horay uu ula kulamy Madaxda Mucaaradka,Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare iyo xubno kale.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts